Malaaqa cusub ee Beesha Dhabarweyne oo Muqdisho lagu caleemo saaray (Sawirro)

Waxaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho xaflad ballaaran oo lagu caleemo saarayey Malaaqa cusub ee beesha Dhabarweyne oo ka mid ah beelaha Banaadiriga taasoo ay ka qeyb galeen Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee Baarlamanka Somalia, Salaadiin, Ugaasyo, waxgarad ka tirsan beelaha Soomaaliyeed iyo qeybaha bulshada.

Malaaqa cusub ee beesha Dhabar-weyne Malaaq Maxamed Aweys Cumar ayaa bedelaya Malaaqii hore ee beeshaas C/llaahi C/qaadir Iikar (Ceymiyow) oo xaalado caafimaad daro oo soo wajahay awgood u wareejiyey xilkaas.

Munaasabada caleemo caleemo saarka oo aheyd mid si weyn loo soo agaasimay ayaa waxaa khudbado ku aadan taariikhda beelaha Banaadiriga iyo taageerada Malaaaqa cusub la jeediyey xubnihii ka qeyb galay kulankaas.

Maxamed Cabdi Nuur oo ka mid ah aqoonyanada Soomaaliyeed ee ka soo jeeda beesha Dhabarweyne, sidoo kale xubin ka ahaa guddiga qaban-qaabada munaasabadan ayaa ka waramay marxaladihii kala duwanaa ee loo soo maray caleemo saarka Malaaqa cusub oo uu sheegay inuu yahay mid ay si buuxda isku raacday beesha.

Senator C/risaaq Cismaan Juriile oo ka tirsan aqalka sare ee baarlamanka Somalia iyo Xildhibaan C/risaaq Axmed Maxamed oo ka mid ah xubnaha golaha shacabka oo gebagebadii munaasabadaas ka hadlay ayaa ugu hambalyeeyey Malaaqa cusub xilka culus ee loo caleemo saaray, iyagoo sheegay iney garab taagan yihiin.

C/risaaq Cismaan Juriile ayaa si gaar ah uga faalooday taariikhda fog ee ay leeyihiin beelaha Banaadiriga gaar ahaan halgalamayaashii ku jiray ururadii gobanimadoonka Soomaaliyeed ee la aasaasay xiligii isticmaarka sida Xaaji Maxamed Xuseen, Dheere Xaaji Dheere iyo xubno kale, kuwaasoo uu sheegay iney taariikhda umadda Soomaaliyeed ka galeen baal dahab ah.

“Waxaan kula dardaarmayaa Malaaqa cusub ee beesha Dhabarweyne Malaaq Maxamed Aweys Cumar inuu si hufan u guto waajibaadkiisa, una cadaalad falo beesha caleemo saaratay, -Nin xil qaaday Eed qaad- waxaa lagaa rabaa samir iyo dulqaad badan inaad yeelato, ILAAHAY-na waxaan kaaga baryeynaa inuu xilkaaga kula garab galo” ayuu yiri Senator Jurille.

Waxaa sidoo kale Munaasabadan ka hadlay qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka beelaha Banaadiriga (Afarta Xamar, Shanta Shingaani iyo Culumadooda) oo ay ka mid ahaayeen Nabadoon Cumar Aweys Nuur (Dacas), Nabadoon Axmed Iikar Xaaji,  Nabadoon Maxamed Bin Cali (Uunsane), (Nabadoon Shariif Cali Qulateeni, iyo qaar kale oo sheegay in si buuxda u taageersan yihiin Malaaqa cusub ee beesha Dhabarweyne Malaaq Maxamed Aweys Cumar, iyagoo ugu duceeyey in ALLE la garab galo xilka culus ee loo igmaday.

Xafladan oo ku soo gebagebowday jawi aad farxad badan ayaa intii ay socotay waxaa ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka ku soo bandhigay kooxo iskugu jiray rag iyo dumar ka tirsan beelaha Banaadiriga, kuwaasoo ku luuqeynayey shiribyo iyo suugaan kale oo lagu soo dhoweyayey Malaaqa cusub.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -