Mareykanka oo dowlada Somalia ku wareejiyey hub, Gaadiid iyo saanado kale (Sawirro)

Wasiirka Gaashandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur  ayaa galabta safaarada Mareykanka ee Muqdisho ka gudoomay hub iyo saanad loogu talo galay ciidanka xoogga dalka kuwa kumandoska Danab.

Danjiraha Maraykanka ee Soomaaliya Larry Andre, ayaa ku wareejiyey wasiirka, hubka iyo agab kale oo ciidan, “Deeqdan waa aan ugu talo galnay la-dagaallanka kooxda Al-Shabaab” ayuu yiri danjiraha.

C/qaadir Maxamed Nuur Wasiirka Gaashaandhigga ayaa dowlada Mareykanaka uga mahad celiyey taageerada ay la garab taagan yihiin ciidanka xoogga dalka.

“Waxaan maanta ka qayb galey xaflad hub, gaadiid iyo agab kale ee ciidan loogu wareejinaayey Ciidanka Xooga Dalka, ayna waraajineysey Dowlada Mareykanka oo uu matalayey Danjiraheeda u fadhiya Soomaaliya Mudane  Larry E. André, Jr. Tani waxay tusaale u tahay horumarka uu gaarey Ciidanka XDS mudadii la soo dhaafey taas oo keeney in lagu aamini karo agab walba oo Ciidan” ayuu yiri Wasiirka

Cabdulqaadir Maxamed Nuur ma sheegin cadada ama tirada hubka, gaadiidka iyo agabka kale ee lagu wareejiyey, waxayna deeqdan ku soo aadeysaa xili ciidamada DF ay dagaal adag kula jiraan xoogaga Al-shabaab, ayna la saareen degaano badan oo ka tirsan gobolada dalka.

Mareykanka ayaa ka mid ah dalalka sida weyn ciidamada xoogga dalka uga caawiya dhinaca howlgalada ka dhanka ah Al shabaab, gaar ahaan, tababarada, Saadka iyo gurmadka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -