Madaxweyne Farmaajo oo dhabar jabin siyaasadeed kala kulmay Mareykanka

Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xiligan la kulmaya cadaadis xoogan oo kaga imaanaya qaar kamid ah wadamada caalamka ee daneeya siyaasada Soomaaliya sidoo kale taageera dowlada uu hogaamiyo.

Tan iyo markii uu sii xoogeestay khilaafka Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Rooble ayaa waxaa qoraalo kala duwan soo saareen qaar kamid ah wakiilada beesha caalamka iyo dowladaha taageera Soomaaliya kuwaa oo intooda badan la saftay Rooble.

Farmaajo ayaa hada la kulmaya niyad jab iyo cadaadis siyaasadeed oo kaga imaanaya qaar kamid ah wadamada caalamka oo ugu horeyso dowlada Mareykanka oo digniin adag u dirtay Farmaajo.

Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka ee Afrika Molly Phee, oo wadahadal dhinaca telfoonka la yeelatay Farmaajo ayaa uga digtay in xaalada siyaasadeed uga sii daro waxa ayna ku boorisay in uu taageero dedaalada uu wado Ra’isul Wasaare Rooble.

Mareykanka ayaa sidoo kale horey ugu hanjabay in talaabo ka qaadayaan dadka carqaladeenaya geedi socodlka doorashada , waxa ayna fariintaasi si toos ah ugu socotay Madaxweyne Farmaajo oo raba in doorasho aan hufneyn dalka ka dhacdo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa hada ku jiro xaalad adag oo siyaasadeed, waxa uuna Farmaajo uu lumiyay kalsoonida shacabka Soomaaliyeed iyo sidoo qaar kamid ah wadamada caalamka ee sida weyn u taageera dowlada.

Ra’isul Wasaare Rooble oo dhankiisa dagaal siyaasadeed kula jira Farmaajo ayaa taageero ka helaya wadamada caalamka kuwaa oo taageeray qabsoomida shirka golaha wadatashiga qaran ee lagu saxayo khaladaadka ka jira doorashada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -