Sheikh Dr. Cabdirisaaq Aadan Macallin oo kordhiyay duruusta diiniga ah ee uu jeediyo

Sheikh Dr. Abdirizak Aden Moallim oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed ee saldhiggoodu yahay caasimadda Muqdisho ayaa kaalin muuqata ka qaata ku wacyigelinta dadka diinta islaamka, isagoo muxaadarooyin iyo casharo la xiriira tafsiirka Qur’aanka Kariimka ka jeediya qaar ka mid ah masaajidda iyo goobaha isku imaatinnada diineed uu ka dhaco ee dalka Soomaaliya.

Sheekh Cabdirisaaq ayaa ka mid ah culimada Soomaaliyeed oo kaalintiisa wacyigelineed iyo hanuuneed ay si lixaad leh u soo muuqatay , iyadoo lagu yaqaanaan deganaan iyo inaanu faraha la galin arrimaha khilaafka abuura ama kala dhantaali kara midnimada dadka iyo wadajirkooda.

Sheekh Dr. Cabdirisaaq Aadan Macallin ayaa waxaa casharada uu jeediyo ka heli kartaa kanaalka uu ku leeyahay Youtube oo ah https://www.youtube.com/channel/UCJtbl5ZR0CPt5ybMuOmK2kw?fbclid=IwAR10YazR2LpF8RXyZaA8LPQeAgH9H-_UvLm7ZET5wSiBwokkcC0dR_Ye8E8 sidoo kale waxa aad ka daalacan kartiin boggiisa Facebook oo ah https://www.facebook.com/AbdirizakAdenM/

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -