Madaxweyne Farmaajo oo maanta labo Ujeedo u hortagaya Xildhibaanada Golaha Shacabka

Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa maanta oo arbaco ah in uu tago xarunta golaha Shacabka ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya .

Ajandaha kulanka Xildhibaanada golaha shacabka ayaa maanta ah hadal jeedinta Madaxweynaha Soomaaliya iyo kalsooni u qaadida Ra’isul Wasaaraha cusub uu dhawaan soo magacaabay Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo ayaana Xildhibaanada golaha shacabka marka uu horgeeyo Ra’isul Wasaaraha cusub Maxamed Xuseen Rooble ka codsan doona in ay siiyaan codka kalsoonida si uu usoo dhiso Xukuumad cusub.

Waxaa sidoo kale Madaxweynaha kalsooni siinta Ra’isul Wasaaraha cusub kadib la filayaa in Xildhibaanada golaha shacabka u jeediyo khudbad uu uga hadlayo shirkii Muqdisho iyo qodabadii ay ku heshiiyeen Dowlada federaalka iyo maamul goboleedyada.

Madaxweyne Farmaajo ayaana ka codsan doona Xildhibaanada golaha shacabka in ay taageeraan heshiiska dhinaca doorashada ee dhawaan lagu gaaray shirkii ka dhacay magaalada Muqdisho.

Xildhibaanada Golaha shacabka ayaana loo badinayaa in maanta codka kalsoonida siiyaan Ra’isul Wasaaraha magacaaban Maxamed Xuseen Rooble si uu usoo dhiso Xukuumad shaqeysa mudo xileedka dhoorka bil ah ee dowlada u harsan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -