Dalalka joojinaya duulimaadyada UK oo sii kordhaya ka dib Korona cusub oo laga helay

Dalalka reer galbeedka iyo kuwa caalamka ayaa billaabay iney xayiraado cusub ku soo rogaan dalka UK si ay uga gaashaantaan nooca cusub ee fayraska korona ee dalkaasi laga helay.

Qaar ka mid ah waddamada Yurub waxay joojiyeen dhammaan duullimaadyadi Ingisriiska ka imanayey, halka kuwo kalena ay qorsheynayaan iney qaadaan talaabadan oo kale.

Nooca cusub ee fayraska korona ayaa si degdeg ah ugu faafay magaalada London iyo Koonfurta-Bari England, iyadoo Ra’isal Wasaaraha Britain Boris Johnson uu ku dhawaaqay xayiraado afar heer oo kala duwan maraya oo laga hirgelinayo goobaha nooca cusub ee fayraska korona laga helay.

Boris Johnson ayaa gabi ahaanba meesha ka saaray nasashadii iyo kulammadii ay malaayiinta qof ee u dabbaal degaya ciidda Masiixiga sameynayeen .

Khubarada sare ee caafimaadka waxay sheegeen inaan la hayn caddeymo muujinaya nooca fayraska korona ee cusub inuu yahay mid ay khatartiisu badan tahay, ama si ka duwan ula falgalayo tallaallada haatan socdo.

Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -