Meydka Sargaal katirsan Ciidanka Ilaalada Villa Somalia oo Caawa Hotel laga helay

Waxaa caawa abaaro Maqribkii Hotelk kuyaala degmada Xamar Jajab ee gobolka Banaadir gaar ahaan agagaarka Ceel Gaabta laga helay meydka Sargaal katirsanaa ciidanka ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in meydka sargaalkan loogu tagay qolka uu ka degnaa Hotelka kuyaala degmada Xamar Jajab, lamana oga wali waxa sababay geerida Sargaalkan oo magaciisa lagu soo koobay Shariif.

Ciidamo katirsan ilaalada Madaxtooyada iyo laanta Dambi baarista CID-da ayaa gaaray hotelka meydka sargaalkan laga helay, waxaana halkaasi ciidamada ka sameeyeen baaritaano ku aadan waxa sababay geerida sargaalkan.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in meydka sargaalka inta aan la helin kahor hotelka kula sugneyd haweeney aan la ogeyn waxa ay aheyd, mana jiro ilaa hada wax war ah oo laamaha amaanka kasoo saareen geerida sargaalkan katirsanaa ilaalada Madaxtooyada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -