Milatariga Soomaaliya oo soo bandhigay Magacyada Saraakiil ay ka dileen Al Shabaab

Ciidamada milatariga Soomaaliya gaar ahaan kuwa kumaandooska ayaa howlgal ay xalay ka fuliyeen Tuulada Balow oo hoostagta deegaanka Bariire ee gobolka Shabeelaha Hoose waxa ay ku dileen dad la sheegay in ay ahaayeen Al Shabaab.

Taliyaha ururka 143 ee xoogga dalka Dhamme Axmed Xasan Siyaad oo la hadlay Idaacadda Ciidamadda Qalabka sida ayaa sheegay in howlgalka ay ka fuliyeen Balow ku dileen saraakiil iyo dagaalyahano badan oo katirsan Al Shabaab.

Waxa uu sheegay taliyaha in howlgalka uu yimid kadib markii dadka degaanka ay la soo wadaageen xogta saraakiil iyo dagaalyahano katirsan Al Shabaab oo yimid tuulada sidaasna ugu suurto gashay howlgal ay ku dileen xubnahaasi katirsan Al Shabaab.

Dhamme Axmed Xasan Siyaad ayaa sheegay sheegay in howlgalka ku dileen 20-dagaalyahan oo katirsan Al Shabaab ay ku jiraan labo sargaal oo Al-shabaab ugu magacawnaa xilalka Madaxii Howlgalada Gobolka iyo maktabka Dacawada Xizbada.

Taliyaha ayaa ayaa ku sheegay magacyada labada sargaal ay dileen Xuseen Macalin Nuur oo ku Magac dheer Abuu qudama oo Al-shabaab u qaabilsanaa Madaxii Howlgalada Sh/Hoose iyo Farxaan Abuu Macalin oo kooxda u qaabilsanaa maktabka Dacawada Xizbada

Milatariga Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in howlgalka ka dhacay gobolka Shabeelaha gaar ahaan deegaan hoostaga Bariire ku gubeen dooman ay sheegeen in Al Shabaab u adeegsan jireen in wabiyada uga gudbaan.

Warkan kasoo baxay milatariga Soomaaliya ayaa imaanaya xili Warbaahinta Al Shabaab baahiyeen dadka lagu dilay duleedka Bariire ahaayeen dad shacab safar ahaa kuwaa oo Al Shabaab sheegeen in lagu laayay Masjid ay jiifeen.

- Advertisement -