Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Xildhibaan taageeray Weerarkii lagu qaaday Masjidyo kuyaala New Zealand oo talaabo laga qaaday

Xildhibaanada aqalka Senate-ka ee dalka Australia ayaa kalsoonida kala noqday Xildhibaan xagjir ah oo taageero u muujiyay Weerarkii Muslimiinta badan lagu laayay ee ka dhacay masjidyo kuyaala dalka New Zealand.

Fraser Anning, oo ah siyaasi mayal adag oo xagjirnimadu madax martay ayaa jeediyay hadalo caro badan dhaliyay maalintii uu dhacay weerarkii lagu dilay 50-qof oo Muslimiin ah oo ku cibaadeesanayay Masaajidyo kuyaala magaalada Christchurch.

Kulan ay shalay yeesheen Xildhibaanada aqalka Senate-ka ee dalka Australia ayaa lagu cambaareeyay Xildhibaan Fraser, waxa ayna Xildhibaanada taageereen soo jeedin aheyd in kalsoonida kala noqdaan.

Xildhibaanada kalsoonida kala noqday Siyaasigan cunsuriga ah ayaa ku eedeeyay in uu jeediyay hadalo ceeb ah oo abuuraya naceyb iyo kala fogaansho, waxa ayna sheegeen in Xildhibaanada kasoo horjeedaan habdhaqanka Xildhibaankaasi.

Kalsooni kala noqoshada Xildhibaankan taageeray Weerarkii Muslimiinta lagu laayay ayaa lagu sheegay kaliya ay tahay mid cambaareen ah balse aan si rasmi ah u dhaqan galeyn, waxaana Xildhibaanka xilkiisa ku weyn karaa in lagu helo dambiyo ka dhan ah dastuurka, sida in uu heysto labo dhalasho oo dalal kala duwan ah, inuu musuqmaasuq ku kaco, inuu xafiisyo kale si qarsoodi ah uga shaqeeyo ama in dambiyo kale lagu helo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Xasan oo Arrimo muhiim ah kala hadlay Xoghayaha Difaaca Mareykanka

Cabdi Cade

Habraaca Shirka Dib u heshiisiinta beelaha Galmudug oo lasoo saaray

admin

Qoys mudo 30-sano ka badan Gurigooda ku xanaaneeya Yaxaas (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---