Dowlad ku hanjabtay in ay qaadi Doonto talaabo bur burin doonta Mareykanka

Waxaa mar kale soo cusboonaaday xiisada u dhaxeysa dowladaha Mareykanka iyo Iran ,kadib markii Xukuumada Washigton ku baaqday in Qaramada Midoobay cunaqabateyn cusub kusoo rogto Dowlada Iran.

Madaxweynaha dowlada Iran Xasan Ruuxaani ,oo khudbad ka jeediyay telefishinka Qaranka Iran ayaa si adag uga jawaabay qorshaha Mareykanka ku doonayay in Qaramada Midoobay cunaqabateyn ku saaro dalkiisa.

Waxa uu sheegay Madaxweynaha Iran in Mareykanka wajahayo guul daro kadib markii ku guul dareestay aqbalida cunaqabateyntii uu la doonayay in Iran la saaro, waxa uuna tilmaamay in Mareykanka qorshahoodu fashilmay.

Xasan Ruuxaani ayaa ku hanjabay in handadaada Mareykanka ay dowladiisa ka bixin doono jawaab wax burburin doonto, waxa uuna xusay in dowlada Mareykanka xaalad naf lacaari ah xiligan ku sugan tahay.

“Mareykanka wuxuu u sii dhawaanaya guuldarro xilli uu shaaciyay tallaabada cunaqabateynta…wuxuu wajahaya guuldarro iyo jawaab diidmo ah oo uga timid beesha caalamka.” ayuu yiri Madaxweyne Ruuxaani.

Hanjabaada kasoo yeertay Iran ayaa kusoo aadaysa xili Golaha Amaanka Qaramada Midoobay kahor timid qorshaha Mareykanka ku doonayay in dowlada Iran lagu soo rogo cunaqabateyn adag.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -