Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Liiska Xildhibaanada ka maqan Fadhiyada Baarlamaanka oo la yeerin doono

Waxaa maanta Kooram la’aan u baaqday kulan ay yeelan lahaayeen Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya, kulankan ayaana ajandihiisu ahaa in looga doodo hindise sharciyeedka Duulista iyo Saadaasha Hawada,

Gudoomiyaha golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa sheegay in aan la aqbali karin in kulamada Baarlamaanka u baaqdaan kooram la’aan ,waxa uuna sheegay in lala xisaabtami doono Xildhibaanada aan kulamada soo xaadirin.

Waxa uu sheegay Gudoomiyaha in kulanka ugu horeeyo ay Xildhibaanada golaha shacabka yeelanayaan lagu yeerin doono liiska magacyada Xildhibaanada ka maqan fadhiyada Baarlamaanka yeeshaan.

Xildhibaano badan oo katirsan Golaha Shacabka ayaan soo xaadirin kulamada Baarlamaanka, waxa ayna Xildhibaanadaasi u badan yihiin kuwa u galay golaha kaliya in ay xasaanad helaan iskuna ilaaliyaan magaca Xildhibaanimo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Hooyo Soomaaliyeed oo gowracday ilmaheeda oo lagu riday xukun adag

Cabdi Cade

Cabdi Bille oo maanta kasoo dhax muuqday Orodkii lagu qabtay Muqdisho (Daawo Muuqaal)

Cabdi Cade

Axmed Madoobe oo galabta soo gaaray Muqdisho laguna soo dhaweeyay ( Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---