Al Shabaab oo Weerar culus ku qaaday saldhig ay leeyihiin Ciidamada Kenya 

Dagaalyahano hubeesan oo katirsan Al Shabaab ayaa weerar xoogan ku qaaday saldhig ciidamada Kenya ee qeybta ka ah AMISOM ku leeyihiin deegaanka Qooqaani ee gobolka Jubada Hoose .

Weerarka Al Shabaab ayaa ku bilowday madaafiic lagu garaacay saldhiga, waxaana xigay weerar toos ah Al Shabaab ku qaadeen saldhigaasi, iyadoona jugta rasaasta culus ay is dhaafsanayeen labada dhinac aad loo maqlayay.

Dadka ku dhaqan deegaanka Qooqaani ayaa ku waramay in ay maqlayeen jugta madaafiicda iyo hubka culus ay labada dhinac is dhaafsanayeen, dagaalkan ayaana cabsi badan ku beeray shacabka ku dhaqan Qooqaani.

Wali lama oga khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee kasoo kala gaaray labada ciidan ee dagaalamay, waxaan sidoo kale wali la cadeyn in dagaalkan uu khasaaro kasoo gaaray shacabka ku dhaqan deegaanka dagaalku ka dhacay.

Al Shabaab ayaa weeraro gaadmo ah ku qaada saldhigyada ciidamada Kenya iyo kuwa maamulka Jubbaland ku leeyihiin deegaano katirsan Jubbaland,waxaana weerarada qaar ka dhashay khasaarooyin badan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -