Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

James Swan oo balan-qaad u sameeyey Taliska ciidanka Booliska Somalia (Sawirro)

Wakiilka Xoghayaha Guud ee QM ee Soomaaliya, James Swan, ayaa maanta kulan dhinacyo badan taabanaya la yeeshay Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, General Cabdi Xassan Maxamed.

Arimaha ay ka wada hadleen waxaa kamid ah, isku duwidda taageerada saaxiibada Soomaaliya, iskaashiga dhanka ammaanka iyo qorshaha amniga ee doorashooyinka soo socda.

James Swan ayaa ku amaanay ciidamada Booliska dedaalka ay ugu jiraan sugida amaanka dalka, gaar ahaan caasimada iyo ka hortaga falal amni darada, isagoo u balan-qaaday in QM ay sii xoojin doonto taageerada ay siiso Booliska DF.

General Cabdi Xassan Maxamed ayaa isna kaga mahad celiyey xafiiska QM ee Somalia taageerada ay mar walba la garab taagan yihiin ciidamada Booliska, isagoo warbixin ka siiyey James Swan dedaalka ay ugu jiraan sugida amaanka dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Wararkii Ugu Dambeeyay Dagaal Khasaaro dhaliyay oo saakay ka dhacay Muqdisho

Cabdi Cade

(Daawo Sawirro) Sidee looga ciiday qaar ka mid ah degaanada ay Al-Shabaab?

Caydiid Ali

Ciidamo cusub oo loo daabulay furumaha Dagaalka ee buuraha Calmiskaad

Cabdi Cade
Taboola Ads ---