Khayre & Guddoomiye Cabdi Xaashi oo kulan xasaasi ah ku yeeshay Muqdisho

Guddoomiyaha aqalka Sare ee baarlamanka Somalia Cabdi Xaashi C/llaahi ayaa hoyga uu ka degan yahay magaalada Muqdisho ku booqday RW hore ee Somalia Xasan Cali Khayre

Warar ku dhow kulankaas ayaa sheegaya in Khayre iyo Cabdi Xaashi ay ka wada hadleen xaaladihii ugu dambeeyey ee siyaasada dalka iyo arrimaha doorashooyinka

Qoraal uu bartiisa Facebook soo dhigay Xasan Cali Kheyre Raisul wasaarihii hore ay kaga hadlay kulanka uu la yeeshay Gudoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi C/llaahi.

“Sharaf ayey ii ahayd la kulanka guddoomiyaha Aqalka Sare mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo maanta isoo booqday. Waxaan uga mahadceliyay kaalintii uu ka qaatay hannaanka loogu gudbayo muddo xileed cusub ee dowladda Soomaaliyeed” ayuu yiri Khayre.

Labada nin ayaa isku mowqif ka ahaa qorshihii fashilmay ee Madaxweyne Farmaajo ku doonayey muddo kororsiga oo si cad ay uga soo horjeesteen, taasoo sababtay in Khayre uu xilkiisa ku waayo.

RW hore ee Somalia Xasan Cali Khayre ayaa dhowaan shaaciyey inuu yahay musharax u taagan xilka Madaxweynaha Somalia doorashada soo socota ee ka dhaceysa dalka 2020/2021 taasoo siyaabo kala duwan looga falceliyey.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -