Madaxweyne Farmaajo oo loogu baaqay in la bedelo Taliska Nabad Sugida

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur oo maanta Warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arimo dhoor ah oo kamid tahay heshiiskii dhawaan laga gaaray Doorashada.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa soo dhaweeyay heshiiska laga gaaray doorashada, waxa uuna dalbaday in la cadeeyo labada deegaan ee ay ka dhaceyso doorashada sidoo kale la caddeeyo qorshaha doorashada ee November bilaabaneysa.

Waxa uu sheegay Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir in uu socdo qorshe lagu boobayo kuraasta gobolada Waqooyi ee ku leeyihiin labada aqal ee Baarlamaanka federaalka , waxa uuna codsaday in kuraastaasi loo madax banaaneeyo dadka iska leh sida Odayaasha Dhaqanka.

Mr Warsame ayaa sidoo kale ka hadlay tanaasulkii uu sheegay Madaxweyne Farmaajo in uu sameeyay intii uu socday Shirkii Muqdisho, waxa uuna ugu baaqay Madaxweynaha hadii dhab ka yahay tanaasulkiisa in uu bedelo taliska nabad sugida .

“Haddii Madaxweynaha tanaasulka dhab ka tahay dib u habeyn haku sameeyo Taliska Nabadsugida oo noqotay Hey’ad Siyaasadeed, shaqadii la dagaalanka Argagixisada ay gabtay, oo caadeystay inuu ku dhex milmo siyaasadda, oo saxaafaddii iyo siyaasiyiintii ay ka dhaqaaqi la’yihiin, tallaabooyinka tanaasulka uu caddeyo dib u habeyn ku sameeyo, dad mas’uuliyad leh oo khibrad iyo aqoon u leh dhex dhexaad u ahna  dadka siyaasiyiinta inuu geeyo, haddii uu daacad ka yahay waxa uu sheeganayo.” ayuu yiri CC Warsame.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa marar badan eedeymo usoo jeediyay taliska Nabad Sugida Soomaaliya uu sheegay in ay faraha lasoo galeen siyaasad kuna mashquulsan yahay taliyahooda arimaha siyaasada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -