Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Madaxweyne Deni oo ka hadlay Dilkii Al Shabaab u geesatay Paul Anthony Fermosa

Madaxweynaha maamulka Puntland  Saciid C/llaahi Deni ayaa si kulul u cambaareeyay dilkii maanta magaalada Boosaao loogu geestay Madaxii Shirkadda P&O ee DP World u qaabilsanaa Dekadda Boosaaso.

Madaxweyne Deni ayaa tacsi u diray eheladii uu ka geeriyooday Paul Anthony Fermosa, waxa uuna laamaha amaanka Puntland faray in ay heegan galaan si ay uga hortagaan khatarta kooxaha uu ku sheegay Argagaxisada.

Waxa uu sheegay Madaxweynaha Puntland in dilka maanta loo geestay Paul Anthony Fermosa oo u dhashay dalka Malta, uu yahay mid argagaxiso oo la doonayo in lagu waxyeeleeyo sharafta maamulka Puntland.

Al Shabaab ayaa sheegatay masuuliyada dilka loo geestay Madaxii shirkada DP World u qaabilsanaa mashruuca dib u dhiska Dekadda Boosaaso, waxaana madaxan lagu dhax dilay dekadda Boosaaso gaar ahaan qeyb uu ka deganaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Shirkii Dhuusomareeb oo fashil kusoo dhamaaday & Dowlada oo eedeyn u jeedisay Axmed Madoowe

admin

Saddex Jaamacadood oo shir Caafimaad ku soo gebagebeeyey Muqdisho (Sawirro)

Cabdi Cade

Shirkada Somtel oo soo bandhigtay adeeg cusub oo loogu magac daray Subcis

Cabdi Cade
Taboola Ads ---