Allbanaadir.com
NEWS

Adeegsiga Xijaabada fashionka oo adduun lacageed badan soo kordhinaya

Tommy Hilfiger, oo ah mid kamid ah shirkadaha ugu waaweyn ee sameeya dharka xaragada, ayaa markii ugu horreysay soo saartay xijaabo ama madax xirasho fashion ah kuwaas oo hadda kaddib kamid noqon doona dharka ay u sameeyaan macmiishooda.

Marka loo eego Shirkadda, go’aanka soo saarista xijaabo lagu xaragoodo waxay diraysaa fariin loo dhan yahay iyo haqabtirka baahiyaha gabdhaha Muslimiinta.

Waxay markii ugu horreysay soo saartay xijaab ka sameysan jacquard ama maryaha alindiga ah ee dalkeenna lagu sameeyo. Waxaana loo iibsan doonaa hab online ah.

Marka loo eego Islamic Fashion Design Council, Muslimiinta ayaa adduun lacageed oo gaaraya  $322 billion ku bixiyay dharka fashionka ah sannadkii 2018-ka. Waxaana la filayaa in sannadkan ay lacagtaasi gaari doonto $488 billion.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Ajaaniib laga shakiyay oo gacanta lagu dhigay iyo baaris ku socota

Cabdi Cade

(Sawirro) Falastiini hubeysan oo dil ka geystay bartamaha Tel Aviv & Booliska Israel oo..

Caydiid Ali

(Akhriso) Aadan Madoobe oo guddi u saaray heshiiskii Golaha Wadatashiga Qaran

Caydiid Ali
Taboola Ads ---