Xildhibaano badan oo saf ugu jira la kulanka Ra’isul Wasaaraha cusub iyo ujeedka keenay

Qaar kamid ah Xildhibaanada golaha shacabka ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa saf u galay aragtida iyo la kulanka Ra’isul Wasaaraha magacaaban ee aan wali helin codka Klasoonida Golaha Shacabka Eng Maxamed Xuseen Rooble.

Sida aan wararka ku helnay Xildhibaanadan qaarkood u tagay halka kuwa kalana la kulankiisa saf ugu jiraan Ra’isul Wasaaraha magacaaban ayaa la sheegay in ay yihiin kuwa damac weyn ugu jira in ay kamid noqdaan golaha Wasiirada.

Xildhibaanadan qaarkood ayaa u muujiyay Ra’isul Wasaaraha cusub taageero iyo garab istaag, waxa ayna taa badalkeeda u dhiibayeen fariin ah in fiiro gaar ah u yeesho kuna daro golaha Wasiirada.

Waxaa sidii kale jira Xildhibaano aaminsan in Ra’isul Wasaaraha cusub uusan awood badan iyo saameyn muuqataba ku laheyn magacaabista golaha Wasiirada, waxa ayna taa badalkeeda u tageen Madaxweyne Farmaajo iyaga ka codsanayay in Wasiirada lagu daro.

Golaha Wasiirada cusub ee la filayo Ra’isul Wasaare Rooble in uu soo magacaabo marka uu kalsoonida helo ayaa u badnaan doona wasiirada hada shaqeeya marka laga reebo in xilalkooda weyn doonaan Wasiiradii saaxiibada dhaw la ahaa Kheyre .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -