Maamulka Golaha Shacabka BFS oo sheegay inuusan jirin ajende muddo kordhin ah

Masuuliyiinta Golaha Shacabka ee Barlamaanka Federaalka ayaa markii ugu horeysay qiray inay jireen ciidamo dheeraada oo Sabtidii la geeyay dhismaha Barlamaanka oo lagu waday inuu ka qabsoomo kulan ajandihiisa la isku khilaafay.

Xildhibaan Maxamad Cabdillahi Xasan Nuux oo kamid ah nidaamiyayaasha Barlamaanka ayaa sheegay in kulankii maanta ee baaqday dib loogu dhigay Arbacada iyadoo uu sidiisii yahay go’aankii dhawr iyo xildhibaan looga joojiyay ka qaybgalka shirrarka golaha shan fadhi.

Mar la weydiiyey sababta maanta loo baajiyey kulankii maanta ayuu ku gaabsaday in guddoonka Baarlamanku aysan la wadaagin arrintaas, balse ay caadi tahay in kulanka dib loo dhigo, xili kalena la qabto.

Xildhibaan Maxamad Cabdillaahi Xasan Nuux ayaa ka hadlay walaaca xildhibaannada qaar ee ahaa in ajendaha COVID-19 ee gudoonku sheegay uu ku hoos jiray ajende qarsoon oo la xiriiray muddo kordhin.

“Wax la yiraahdo muddo kordhin ma jirin, ajendaha kulankuna waxaa uu ahaa COVID-19, waxaana kulanka warbixin ka jeedin lahaa guddo baarlamanku sanadkii hore u saaray xaalada Coronaha iyo Dr. Dufle oo jeedin lahaa halista cudurkaas” ayuu yiri Xildhibaan Maxamad C/llaahi Xasan Nuux oo ka mid ah nidaamiyayaasha Baarlamanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -