Shiinaha oo jawaab kulul ka bixiyey eedeymo culus oo kaga timid Maraykanka

Dowlada Shiinaha ayaa difaacay siyaasadeeda muranka badan dhalisay ee ku aadan Muslimiinta laga tirada badan yahay ee gobolka Xinjiang, maalmo kaddib markii dowladda Mareykanka ay mamnuucday in dalkeeda la soo geliyo badeecadaha ka imaanaya gobolkaasi.

Beijing ayaa xeryo dhawr ah oo lagu hayo dadka Muslimiinta ah ee laga tirada badan yahay ee gobolkaasi kala kulantay cambaareyn caalami ah.

Qoraal ay Beijing soo saartay ayaa lagu sheegay in malaayiin shaqaale ah ay ka faa’iideysteen waxbarasho iyo tababar xirfadeed laga hirgeliyay xeryahaasi.

Warbixinta Shiinaha ayaa lagu sheegay in “tababarrada xirfadeed” ee lagu bixiyo gobolkaasi ay soo kordhiyeen fursado shaqo isla markaana wax weyn ka tareen la dagaallanka saboolnimada.

Balse Mareykanka ayaa xeryahani ku tilmaamay kuwo lagu dhaqan doorinayo isla markaana lagu ciqaabayo dadyowga Muslimiinta ah ee deggan gobolkaasi Xinjiang, waxa uuna xayiraad ku soo rogtay siyaasiyiin Shiinaha u dhashay oo la sheegay in ay ku lug leeyihiin xeryahaasi.

Toddobaadkan uu Mareykanku xannibay qaar ka mid ah badeecadaha laga soo dhoofiyo gobolkaasi Xingjiang, kuwaasoo uu sheegtay in sameeyeen dad la adoonsado oo lagu shaqeysto.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -