Allbanaadir.com
NEWS

Mareykanka oo Cunaqabateyn adag kusoo rogay Zineb Jammeh iyo Sababta keentay

Dowlada Mareykanka ayaa cunaqabateyn adag oo dhinaca dhaqaalaha kusoo rogtay xaaska Madaxweynihii hore ee dalka Gambia Zineb Jammeh, waxaana lagu eedeeyay haweeneydan in qeyb ka aheyd falal lagu lunsaday lacago badan.

Waaxda arrimaha gudaha dalka Mareykanka ayaa sheegtay in Xaaska Madaxweynihii hore ee dalka Gambia qeyb ka aheyd musuq maasuq dalkaasi ka dhacay 22-kii sano ee ninkeedu Madaxweyne ka ahaa Gambia.

Dowlada Mareykanka ayaana xayiraad kusoo rogtay hantida ee haweeneydan leedahay ee taala bangiyo kuyaala Mareykanka , waxaa sidoo kale suurto gal ah in la xayiro hanti kale oo haweeneydan leedahay oo meelo kala duwan yaala.

Madaxweynihii hore ee dalka Gambia ayaa dalkaasi isaga baxsaday kadib markii qaab qasab ah xilka looga tuuray, waxa uuna hada isaga iyo xubno kamid ah qoyskiisa kunool yihiin Equatorial Guinea .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Xildhibaan si adag uga hadlay fal ay ku kaceen koox Macawuusley ah oo Hiiraan ka dagaalanta

Cabdi Cade

Trump oo la soo baxay xeelad uu ku helayo codad badan

Caydiid Ali

Shirkii uu Farmaajo isugu yeeray Madaxda dowlad goboleedyada oo mar kale baaqday

Caydiid Ali
Taboola Ads ---