Shirkii uu Farmaajo isugu yeeray Madaxda dowlad goboleedyada oo mar kale baaqday

Dib u dhac ayaa mar kale ku yimid shirkii Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ku baaqay inuu Muqdisho ka dhaco maalinta berri ah oo ku beegan 19-ka bisha April kaasoo lagu casuumay madaxda dowlad goboleedyada dalka.

Sida ay sheegayaan warar laga helayo ilo wareedyo lagu kalsoon yahay arinta baaqashada shirkan ayaa timid ka dib markii qaar ka mid ah Madaxda Maamul goboleedyadda ay diideen inay ka qeyb galaan shirka sababo kala duwan awgood.

Madaxda Maamul goboleedyadda Galmudug, Jubbaland iyo Puntland ayaa hadda ku sugan Magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya, iyagoo halkaas kulamo ka dhan ah dowlada federaalka kula leh qaar ka mid ah wakiilada beesha caalamka.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa horey shuruud ugu xiray inuu ka qeyb galo Shirka, waxaana Galmudug ay sheegtay in marka hore loo fasaxo dhaqaalaha ay ka xanibtay dowlada, lana fuliyo heshiisyaddii lagu gaaray Garoowe.

Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale diiday in shirka Garowe lagu qabto Muqdisho Maadaama horay uu ballanku ahaa in lagu qabto Garowe sida uu iclaamiyey Madaxweyne Farmaajo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com  

- Advertisement -