Allbanaadir.com
NEWS

Xildhibaan si adag uga hadlay fal ay ku kaceen koox Macawuusley ah oo Hiiraan ka dagaalanta

Muuqaal shalay lasoo duubay oo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa si weyn looga falceliyay, muuqaalkan ayaana lagu arkayay koox macawuusley ah oo ku dul caweeneysa meydadka xubno katirsan Al Shabaab oo lagu dilay deegaanka Ceel Hareeri .

Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macalimuu oo katirsan xildhibaanada laga soo doortay Hirshabelle gaar ahaan gobolka Hiiraan ayaa dhaliilay hab dhaqanka macawuusleyda, gaar ahaan in meydadka rag la dilay dushooda ciyaar lagu dheelo.

Waxa uu sheegay xildhibaanka in dhaqan islaam iyo mid Soomaaliyeed aysan aheyn in meydadka dushooda lagu caweeyo, waxa uusa dghinaca kale soo dhaweeyay in lala dagaalamo oo la dilo Al Shabaab.

”Meydka Khawaarijta dushooda in jiibta iyo jaanta leysla helo, dhaqan Islaam iyo mid Soomaali intuba maaha. Dagaalku xeer buu leeyahay.Waa xaq in la laayo Shabaab. Guuleysta.” ayuu ku yiri Xildhibaan Macalimuu qoraal uu soo saaray.

Muuqaalka shalay iyo xalay lagu baahiyay baraha bulshada ayaana abuuray hadal heyn badan, waxa ayna ddaka qaar ku tilmaameyn falkaasi ay ku kaceen macawuusleyda in uu yahay mid aad u xun halka dad kalana ay taageero u muujinayeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Iran oo warbixin ka soo saartay baaritaanka dilkii Haniya

Caydiid Ali

Guddoomiye Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Eng. Yariisoow Adeege Qaran oo aan la ilaawi doonin

admin

Das careysan oo dibad-bax ka dhigay Masar ka dib hadal ka soo yeeray Madaxweyne Sisi

Caydiid Ali
Taboola Ads ---