Allbanaadir.com
NEWS

Khilaaf hareeyay Shirka Muqdisho iyo Qaar kamid ah Madaxda maamulada oo shirka ka baxay

War goordhaw kusoo dhacay warqabadka Shabakada Allbanaadir ayaa sheegaya in khilaaf xoogan uu soo kala dhax galay Madaxda Dowlada federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada ee shirka uga socdo Muqdisho.

Shirkan oo galay maalintii afaraad ayaa la filayay in lasoo gabo gabeeyo lagana soo saaro qodobo la isku raacsan yahay, hasa ahaatee shirka ayaa hada waxaa soo wajahay caqabado hor leh oo keenay in shirka ka baxaan qaar kamid ah Madaxda maamul goboleedyada.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in shirka maanta banaanka ka joogaan kana baxeen sadex kamid ah Madaxweynayaasha maamulada oo kahor yimid qodobo Madaxweynaha Soomaaliya wato .

Qodobada la isku hayo ayaa la sheegay in kamid yihiin doorka ay maamulada ku yeelanayaan guddiga Doorashada iyo sidoo kale tirada magaalooyinka lagu qabanayo doorashada Xildhibaanada, waxaa sidoo kale la isku hayaa arinta xisbiyada.

Madaxda maamul goboleedyada shirka ka baxay ayaa sheegay in aysan raali ka aheyn Damaca Madaxweynaha ee ku aadan qodobada qaar, waxaa sidoo kale la isku hayaa hirgalinta qaar kamid ah qodabadii kasoo baxay shirkii Dhuusomareeb3.

Sida aan wararka ku helnay waxaa socda dadaalo lagu doonayo in madaxda shirka ka baxday dib loogu soo celiyo, waxaana suurto gal ah in qodobada qaar ka tanaasulo Madaxweynaha Soomaaliya si shirka u noqdo mid miro dhala.

Waxii Warar ah ee kusoo kordha warkan kala soco Wararkayaga dambe Insha Allah

Related posts

Dagaalka lagu qaado Al-Shabaab oo laga shiray & Xiisad ka taagan dad la xasuuqay

admin

Macalinkii Xulka Qaranka Soomaaliya oo hal arin darteed shaqada Macalinimo uga tagay 

Cabdi Cade

Amarkii uu xalay soo saaray Guddoomiye Madaale oon wali ka dhaqan-gelin Muqdisho

Cabdi Cade
Taboola Ads ---