Madaxweyne Farmaajo oo la sheegay in uusan fulin doonin  Heshiis kasto oo lagu gaaro Shirka Muqdisho

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo kamid ah Xildhibaanada golaha shacabka  ayaa sheegay in shirka hada uga socda Muqdisho Dowlada Federaalka iyo Dowlad goboleedyada qodobada ay ku heshiiyaan uusan ka hirgali doonin dhinaca Madaxweyne Farmaajo.
Waxa uu sheegay Xildhibaanka in Heshiis kastoo Farmaajo iyo Madaxda DG Xamar ku shirsan maanta gaaraan dhanka Farmaajo uusan ka fulidoonin, waxa uuna xusay in Madaxweyne  Farmaajo ilaa hada uusan qaadan go’aan uu doorasho ku aadayo.
”Heshiis kastoo Farmaajo iyo Madaxda DG Xamar ku shirsan maanta gaaraan dhanka Farmaajo kama fuli doono. Sababtoo ah Farmaajo ilaa hada ma qaadan go’aan uu doorasho ku aadayo!” ayuu yiri Xildhibaan Mahad Salaad.
Xildhibaanka ayaa ugu baaqay Madaxda Dowlad goboleedyada dalka ka jira ee ka qeyb galaya shirka in ay ku daraan qodobada heshiiska in la cadeeyo mudada rasmiga ah ee doorashada dhaceyso kuna dhamaaneyso.
 
”Waxaan kula talinayaa Madaxda DG in qodobada heshiiska lagu daro muddo cayiman oo doorashadu ku bilaabanayso kuna dhamaanayso si looga badbaado iska-daba-wareegga Farmaajo u qorsheysan” ayuu yiri Xildhibaan Mahad.
Hadalkan kasoo yeeray Xildhibaan Mahad Salaad ayaa imaanaya xili magaalada Muqdisho shir uga socdo madaxda Dowlada federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada, waxaana shirkan gabo gabadiisa la filayaa in la isku raaco nooc doorasho oo dalka ka dhacda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -