Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Labo ka mid ah la heystayaashii Israel ee gacanta ugu jiray Xamaas oo la dilay

Laba nin oo Israa’iili ah oo Qaza lagu haystay tan iyo 7-dii Oktoobar ee sanadkii hore kana soo muuqday Video ay dhawaan soo saartay Xamaas ayaa dhintay, sida lagu sheegay bayaanno ka soo baxay Israel

Xarunta Golaha Qoysaska La haysto iyo Shaqsiyaadka la la’yahay ee Israel ayaa ku dhawaaqay dhimashada Yossi Sharabi iyo Itai Svirsky oo ku dhintay duqeymaha Israel ka wado Gaza.

“Sharabi, oo 53 jir ah, waxa uu ahaa aabbe iyo nin jecel oo daacad ah, qoys dhab ah oo qalbi weyn leh,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Sharaabi walaalkii Celi ayaa sidoo kale laga soo kaxaystay gurigiisa oo ku yaala Kibbutz Beeri waxaana wali gacanta ku haya Xamaas.

Labada nin ee dhintay meydkooda waxaa haya Xamaas sida ay sheegtay Xarunta Golaha Qoysaska La haysto iyo Shaqsiyaadka la la’yahay ee Israel

Wasiirka difaaca Israa’iil ayaa Isniintii sheegay in  Xamaas ay ku dhaqmayso “dagaal maskaxeed”  iyaga oo siidaaya muuqaallada la haystayaasha.

Related posts

Madaxweyne Farmaajo oo si kulul uga hadlay Weerarkii Kismaayo, amar deg deg ahna ku bixiyey..

Caydiid Ali

Madaxweyne Al Sisi oo magaalada Sirte ku tilmaamay khad cas kuna goodiyay in ay …

Cabdi Cade

Geeri deg deg ah oo ku timid gabdho mataano isku dhegan oo 22 jir ahaa (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---