Jubbaland oo Eedeyn kulul u jeedisay DF uguna baaqday in faragalinta ka deyso

Dowlada Goboleedka Jubbaland ayaa ku eedeesay dowlada federaalka Soomaaliya in masuul ka aheyd gubashada diyaarad xam,uul siday oo shal;ay gubatay xioli ay ka degtay garoonka dioyaaradaha Doolow.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Jubbaland ayaa lagu sheegay in diyaaradda oo nooceedu ahaa TransallC-160 NG, oo ka duushay garoonka Aadan Cadde ku gubatay garoonka diyaaradaha Doolow .

Wasaarada Qoraalka kasoo baxay ayey ku sheegtay in ay ka xun shilkaas nasiib darada ah, waxayna cambaareyneysaa Dowlada Federalka ah ay ku eedeesay in faragalin qaawan oo hareer-marsan sharciga ee ay ku hayso garoomada diyaaradaha Jubaland.

Halkan ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Jubbaland

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -