Xamaas oo Buufino holcaya u dirtay Koonfurta Qudus iyo Israa’il oo ka jawaabtay

Diyaaradaha dagaalka ciidamada Israa’iil ayaa duqeyn ka geestay bartilmaameedyo kuyaala magaalada Gaza ee dhulka Falastiin, waxa ayna sheegtay Israa’iil in ay goobaha weerareen laga soo abaabulo weerarada kooxda Xamaas kusoo qaado.

Israa’iil ayaana weerarkaan oo ay ku qaadeen magaalada Gaza ku sheegeen in uu jawaab u ahaa buufinno holcayay oo kooxda Xamas u dirtay Koofurta Qudus ee dhulka ay xooga ku heesato Israa’iil.

Bayaan ay soo saareen ciidammada difaaca Israel ee loo yaqaan IDF waxay ku sheegeen in diyaaradahooda dagaalka ay duqeeyeen xeryo militari oo ay maamulaan Xamaas oo ku yaala Khan Yunis iyo Gaza .

Duqeyntan Israa’iil ka geesatay magaalada Gaza ayaa imaanaya xili xabad joojin u dhaxeysa Kooxda Xamaas iyo maamulka Israa’iil uu dhaqan galay kadib dagaal dad badan ku dhinteen oo socday 11-maalmood uu dhax maray Xamaas iyo Israaiil.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -