Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maamulka gobolka Banaadir oo fariin muhiim ah u diray shacabka Muqdisho (Sawirro)

Guddoomiye Ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir Mudane Axmed Xassan Iimaan ayaa shir guddoomiyay kulan aan caadi aheyn oo lagu qabtay xarunta maamulka gobolka.

Waxaa kulankan looga hadlayey dar-dargelinta, sare u qaadista dakhliga Dowlada Hoose ee Xamar iyo qaadista Canshuuraha Guryaha.

Shirkan oo ay kasoo qeyb-galeen Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo Agaasimayaasha qaabilsan dakhliyada Dowladda Hoose ayaa waxaa baaq loogu diray shacabka ku dhaqan Gobolka Banaadir inay noqdaan Canshuur bixiyeyaal.

“Canshuurta oo la bixiyo waxay fududeyneysaa in dib loo soo celiyo bilicdii caasimada iyo in wax laga qabto adeegyada aasaasiga ah ee Bulshadu sida; Waxbarashada, Caafimaadka, Nadaafada iyo dhismaha Kaabayaasha Muhiimka ah” ayuu yiri Guddoomiye Ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir Mudane Axmed Xassan Iimaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Laftagareen oo diiday in uu ka qeyb galo Shirka uu Iclaamiyay Rooble lana saftay Farmaajo

Cabdi Cade

Askar Itoobiyaan ah oo la sheegay in lagu qabtay dagaalkii Kaxandhaale (Akhriso)

Caydiid Ali

Boqor Salman oo qadka telefanka kula xiriiray Erdogan & Sacuudiga oo bilaabay..

Caydiid Ali
Taboola Ads ---