Boqor Salman oo qadka telefanka kula xiriiray Erdogan & Sacuudiga oo bilaabay..

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa kala hadlay boqor Salmaan-ka Sacuudiga sidii lagu xoojin lahaa xiriirka labada dal, oo aad u xumaaday wixii ka dambeeyey dilkii weriye Jamaal Khaashuqji, sida uu sheegay xafiiskiisa.

Wada-hadalka labada hoggaamiye oo ku dhacay qadka taleefonka ayaa yimid ka hor shirka dalalka G20 ee Riyadh oo qaab online ah u furmay shalay.

“Madaxweyne Erdogan iyo boqor Salmaan waxay isku raaceen inay sii furnaadaan marinada wada-hadallada, si sare loogu qaado xiriirka labada dhinac, islamarkaana xal loogu helo arrimaha taagan,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay madaxtooyada Turkiga.

Turkiga iyo Sacuudiga ayaa muddo ku loolamayey hoggaanka dunida Muslimka, hase yeeshee xiisadda ka dhex oogan ayaa cirka gashay markii qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul lagu dhex dilay weriye Jamaal Khaashuqji, bishii October 201.

Kiiskan ayaa dhaliyey dhalleeceyn caalami ah, wuxuuna si weyn u dhaawacay sumcadda dhaxal-sugaha Sacuudiga Mohamed Bin Salman, kaasi oo lagu eedeeyey inuu ka dambeeyey dilka, eedyentaas oo Bin Salman uu beeniyey.

Dhinaca kale, Wasiirka arrimaha dibbedda Sacuudiga Amiir Faysal Bin Farxaan Al-Sacuud ayaa sheegay in dawladiisu ay hadda wado qorshe ay kula heshiinayso dawlada Qatar oo uu xiriirkoodu go’ay saddex sanno ka hor.

Amiir Faysal waxaa uu sheegay mar uu la hadlay wakaaladda wararka Reuters inay hadda raadinayaan wado lagu dhamaynayo khilaafka Sacuudiga iyo Qatar waxaana uu intaa ku daray inuu sii jiri doono shuruudahoodii illaa khilaafka laga dhamaynayo.

Wasiirkaan waxaa uu sheegay inuu hadda jiro wada hadalo si hoose u bilowday labada dhinac inkastoo faahfaahin uusan ka bixin halka ay marayaan.

Wasiirka arrimaha dibbadda Qatar Sh. Max’ed Bin Cabdiraxmaan Al-Thani ayaa todobaadkii hore sheegay inaysan jirin cid ka faa’iday go’doomintii Qatar la saaray sanadkii 2017 ee ay dawladaha Khaliijka xiriirka ugu jareen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -