Askar Itoobiyaan ah oo la sheegay in lagu qabtay dagaalkii Kaxandhaale (Akhriso)

Maamulka degmada Gelinsoor ee gobolka Galgaduud ayaa sheegay  in dagaal beeleedyadii maalmahan ka dhacayey degaanka Kaxandhaale ay ka qeyb galeen ciidamo Itoobiyaan ah oo xadka ka soo gudbay.

War-saxaafadeed uu soo saaray maamulka Gelinsor ayaa  lagu sheegay in dagaal ka dhacay degaan lagu magacaabo Deeqla oo ka tirsan Kaxandhaale lagu soo qabtay labo askari oo Itoobiyaan ah kuwaasoo ka barbar  dagaalamayay mid ka mid ah labada maleeshiyo maleeshiyo beeleed ee halkaas dirirtu ku dhexmareysay.

Xaalada Kaxandhaale ayaa maanta deganeyd ka dib dagaalo maalmihii la soo dhaafay ku dhexmaray labo maleeshiyo beeleed oo isku heysta dhul daaqsimeed halkaas ku yaalla, dad badan ayaana ku dhintay.

Hoos ka Akhriso War-saxaafadeedka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -