Faahfaahin: Dagaal hub culus la isku adeegsaday oo ka dhacay duleedka Muqdisho

Dagaal culus oo u dhaxeeyay Al-Shabaab iyo ciidamada AMISOM ayaa xalay ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha oo ka mid ah degaanada ku teedsan wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye.

Dagaalka ayaa halka loo yaqaano Arbacow oo fariisimo ay ku leeyihiin ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM sida dadka degaanku sheegayaan.

Wararka ayaa intaas ku daraya in dagaalka uu bilowday xalay fiidkii hore, kadib markii dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab ay weerar ku qaadeen saldhigga Arbacow ee ciidamada AMISOM.

“Dagaalku waxaa uu ahaa mid culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan oo ay ku jireen madaafiic culus oo si weyn looga maqlay degaanada ku dhow Ceelasha biyaha” ayuu yiri goob jooge ku sugan degaanka oo saxaafada la hadlay.

Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaas. Waxaana saaka duleedka degaanka Ceelasha Biyaha laga soo sheegayaa inay socdaan howlagallo ay wadajir u sameynayaan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -