Laftagareen oo diiday in uu ka qeyb galo Shirka uu Iclaamiyay Rooble lana saftay Farmaajo

War saxaafadeed goordhaw kasoo baxay Madaxweynaha Koonfur Soomaaliya ayaa lagu sheegay in uusan ka qeyb galeyn shirka golaha wadatashiga Qaran uu ku baaqay Ra’isul Wasaare Rooble.
Laftagareen ayaana cadeeyay in uusan qeyb ka noqoneyn shirka Rooble iclaamiyay, waxa uuna xusay in diyaar u yahay ka qeybgalka baaqa Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo si looga tashado sidii lagu samatabixin lahaa geeddiga socodka doorashooyinka dalka.
Halkan ka akhriso Qoraalka uu soo saaray Laftagreen
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) wuxuu caddeynayaa in uusan kasoo qeybgali doonin Shirka uu iclaamiyay Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble.
 
Go’aankan wuxuu ka dhashay keddib markii lagu xadgudbay madaxbannaanida Guddiga Xallinta Khilaafaadka oo 7 xubnood laga saaray iyo Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka ee Federaal oo shalay la kala qeybiyay.
 
Koonfur Galbeed Soomaaliya waxay diyaar u tahay ka qeybgalka baaqa Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo si looga tashado sidii lagu samatabixin lahaa geeddiga socodka doorashooyinka dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -