Ilmo yar oo Sabab layaab leh u noqday in la baajiyo Duulimaad Diyaaradeed !!

Duulimaad diyaarada WestJet ugu kala gooshi laheyd magaalooyinka Calgary iyo Toronto ee dalka Canada ayaa la baajiyay ,kadib markii ilmo yar oo saarnaa uu diiday in loo xiro Maaska ama waji xir loo adeegsado kahor taga cudurka Caronavirus.

Gabar yar oo jirta 19-bilood ayaa ooyin joojin weysay xili la doonayay in loo xiro Maaska, waxa ayna taasi keentay in muran dhax maro shaqaalaha diyaarada iyo waalidka dhalay gabadhan yar.

Safwan Choudhry, oo ah aabaha dhalay gabadhan yar ayaa sheegay in gabadhiisa ooyinta joojin weysay kadib markii la isku dayay in waji xirka loo xiro, waxa uuna xusay in shaqaalaha diyaarada si aan wanaagsaneyn ula dhaqmeyn.

Waxa uu sheegay aabahan in shaqaalaha diyaarada u yimaadeen kuna amreen in labadiisa cunug oo kala ahaa 3-sano jir iyo 19-bilood jir u xiraan waji xirka, hasa ahaatee gabadha yar diiday ayna oysay markii la damcday in loo xiro.

Safwan ayaa sheegay in shaqaalaha diyaarada ugu hanjabeen in diyaarada laga reebayo qoyskiisa hadii cunuga yar aan wajiga loo xirin, waxa uu sidoo kale tilmaamay in loogu hanjabay in dacwad laga gudbin doono.

War kasoo baxay shirkada diyaaradaha WestJet ayaa lagu sheegay in qoyskan diideen in wajiga u xiraan gabadha sadex sano jirka ah, waxa ayna meesha ka saareen warka aabahan sheegay ee ahaa in gabadha labo jirka ka yar aheyd qofka lagu qasbay.

Qoyskan ayaa markii dambe loogu yeeray booliiska taa oo keentay in diyaarada laga soo dejiyo, waxaana markii dambe la go’aamiyay in la baajiyo duulimaadkii diyaaradaasi loona dib dhigo maalinta xigtay.

Duulimaadka maalintii xigay loo dhigay ayaa mar kale laga reebay qoyskii sababta u ahaa in dib loo dhigo duulimaadka diyaaradaasi, waxaana dhacdadan hadal heyn badan ka abuurtay gudaha dalka Canada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -