Allbanaadir.com
NEWS

Dowladda oo lacag kiro ah ka rabta dad degan guryo ay leedahay amarna siisay Booliiska

Qoraal kasoo baxay wasaaradda Kaluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluuga Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu amray dadka degan guryaha kuyaalla xero Kalluul ee agagaarka garoonka Aadan Cadde in ay iska bixiyaan lacag kiro ah oo lagula heshiiyay.

Wasiirka Wasaaradda Kaluumeysiga Axmed Xasan Aadan oo ku saxiixan  warqadan ayaa ku amray dadka degan guryaha xero Kalluun in ay iska bixiyaan lacagta kirada ah ee lagu leeyahay , isaga oo sidoo kale amray dadka sharci-darada ku degan dhulkaasi in ay isaga guuraan.

Waxa uu wasiirka ka codsaday wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya iyo taliska ciidanka booliiska in ay shaqadooda ka qabsadaan dadka diida in ay bixiyaan lacagta kirada ah ee lagula heshiiyay , si ay usii degnaadaan guryaha xero Kalluun.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Booliska G/Banaadir oo soo badhigay askari galabta toogtay qof shacab ah (Sawirro)

Caydiid Ali

Tirada dadka ku dhintay fatahaada Baladweyne oo la shaaciyey (Sawirro)

Caydiid Ali

Gabar Soomaaliyeed oo hal Sabab darteed u joojisay tartamada fashion-ka iyo Xayeesinta

Cabdi Cade
Taboola Ads ---