Allbanaadir.com
NEWS

Golaha Wasiirada oo Meel mariyay Hindise Sharciyeedyo muhiim ah (Daawo Sawirada)

Golaha wasiirrada xukuumadda xil-gaarsiinta ayaa maanta kulan ay Muqdisho ku yeesheen waxay ku meel mariyeen Hindise-sharciyeedka dhismaha hey’adda diiwaan gelinta iyo aqoonsiga dadweynaha Soomaaliyeed, Hindise Sharciyeedka dhismaha hey’adda dhiirri-gelinta maal-gashiga iyo siyaasadda isbedelka cimilada.

Shirka Golaha ayaa sidoo kale lagu ansixiyay Istaraatiijiyadda dhiirri-gelinta maal-gashiga qaranka, Axdiga jaamacadda Carabta ee la dagaallanka Musuq-maasuqa,
heshiiska Iskaashiga arrimaha waxbarashada ee u dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga iyo Heshiiska iska ilaalinta laba jeer canshuuridda iyo kahor tagga la baxsiga canshuuraha saaran dakhliga ee u dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Qatar.

Kulanka oo uu guddoomiyay Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka, mudane Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay warbixnta amniga iyo xaaladda waxbarashada dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir oo soo saaray Amaro cusub oo la xariira..

Cabdi Cade

Shirka Xalane oo khatar cusub wajahaya iyo Warbixinadii ugu dambeeyey

Caydiid Ali

Qarax ka dhacay Magaalada Beladweyne & Wararkii ugu dambeeyey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---