Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Masiibo kale oo ku habsatay dekeda Beirut ee dhowaan qaraxa ku burburtay (Sawirro)

Dab xoog leh ayaa ka qarxay aagga dekedda Beirut ee caasimada dalka Lubnaan oo dhowaan ku burburtay qarax weyn oo ka dhacay.

Ma jiro macluumaad deg deg ah oo ku saabsan sababta dhalisay dabka oo demintiisa ay ku howlan yihiin kooxaha dan demiska.

Dabka xoog leh ee ka socda dekedda caasimada Lubnaan ee Beirut, ayaa yimid wax ka badan bil kadib markii qarax weyn uu baabi’iyay dhismayaasha dekedda iyo hareeraheeda.

Qaraxaas ayaa ka dhashay maado kiimiko ah oo lagu keydiyey Bakhaar ku yaalla dekedaas, waxaana ku dhintay ku dhowaad 200 oo qof, halka kumamaan kale ay ku dhaawacmay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Soomaaliya oo la sheegay in lacag badan ku bixisay fashilinta heesta Waayaha cusub

Cabdi Cade

Xasan Dabarow oo lagu dilay Afgooye & faahfaahino laga helayo

Caydiid Ali

Habraacii Doorashada Galmudug oo Fashilmay iyo Sababaha keenay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---