Shiikh C/llaahi Cali Aadan iyo xubno kale oo lagu laayey duqeyn ka dhacday degmada Jilib

Dauuuarado dagaal ayaa duqeymo waxay ka fuliyeen deegaano ka tirsan gobolka Jubbada Dhexe ee koonfurta Somalia.

Duqeynta ayaa la sheegay inay ka dhacday degaanka Amreereey oo hoostaga degmada Jilib ee gobolka Jubbada dhexe.

Saraakiil ka tirsan Milatariga Soomaaliya ayaa sheegay in duqeynta lala beegsaday  goob ay ku sugnaayeen  saraakiil  iyo dagaalamayaal  ka tirsan  Al-shabaab.

Xubnaha  lagu dilay duqeynta ayaa waxay tiradooda gaaraysaa  17 dagaalyahan, halka madaxii  Maaliyada Al-shabaab ee gobolada Jubbooyinka lagu dilay duqeynta,  kaasoo lagu magacaabo (Shiikh C/llaahi Cali Aadan)

Saraakiil ka tirsan kumaandooska Soomaaliya ayaa sheegay in saraakiisha  iyo dagaalyahanada Al-Shabaab ay ku sugnaayeen markii la duqeeynayay warshadii Sonkorta ee Mareereey halkaasoo lagu dilay dhamaantood.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -