Habraacii Doorashada Galmudug oo Fashilmay iyo Sababaha keenay

Guddiga farsamada iyo maamul u sameynta Galmudug ayaa 25-kii bishii hore ee November soo saaray jadwalka iyo Habraaca maamul u dhisida Galmudug , hasa ahaatee habraaca ay soo saareen guddiga ayaa noqday mid fashilmay oo sidii loo qorsheeyay aan u qabsoomin.

Habraaca ay soo saareen guddiga farsamada iyo maamul u sameynta Galmudug ayaa lagu sheegay in 29-ka bishii November uu bilaaban doono hannaanka soo xulista Baarlamaanka iyadoona doorashada Madaxweynaha la sheegay in ay dhici doonto 17-da bishan Decmber.

Guddiga farsamada ayaana jadwalkii ay horey usoo saareen ku sheegay in 10-ka bishan howlgali doono Baarlamaanka cusub ee Galmudug halka Baarlamaanka qorsheeyeen in gudoonkooda doortaan 16-ka bishan December.

Sida muuqata guddiga farsamada iyo maamul u dhisida Galmudug ayaa ku fashilmay shaqadii loo igmaday , waxa ayna guddiga ku guul dareesteen in ay xareeyaan Odayaasha soo xulaya Baarlamaanka Galmudug oo badi joogaan Dhuusomareeb.

Dhimaha Galmudug ayaa la filayaa in ay gaarto sanadka cusub maadaama aysan jirin ilaa hada wax ka hirgaliyay habraacii horey loo soo saaray, mana jiro ilaa hada wax war ah oo kasoo baxay guddiga oo ku aadan dib u dhaca ku yimid dhismaha Galmudug.

Dib u dhaca ku yimid dhismaha Galmudug loo dhan yahay ayaa sabab looga dhigay Khilaafka Ahlu Sunna iyo Wasaarada Arimaha gudaha iyo sidoo kale khilaafka ka taagan Odayaasha soo xulaya Baarlamaanka cusub.

Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa dadaal badan ku bixisay dhismaha Galmudug loo dhan yahay, waxa ayna dowlada wali ku guuleesan la’dahay in ay dhisto maamul ay raali ka yihiin qabaa’ilka dega labada gobol ee Galgaduud iyo Mudug.

Halkan ka Akhrio Habraacii fashilmay ee Doorasghada Galmudug. 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -