Allbanaadir.com
NEWS

(Sawirro) Muxuu Taliye Firin ku soo arkay xerada tababarka Booliska ee Kismaayo?

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed  Jeneral Sulub Axmed Firin oo maalmahan howlo shaqo u jooga Jubbaland ayaa kormeer shaqo ugu tagay ciidamada Daraawiishta Jubbaland ee lagu tababarayo xero ku taalla Waqooyiga magaalada Kismaayo.

Wasiirka Amniga Jubbaland Yuusuf Xuseen Cismaan (Dhuumaal) Taliyaha Ciidamada Daraawiishta Jubbaland Jeneraal Ismaaciil Saxardiid iyo Taliyaha Ciidamadda Booliiska Qeybta gobolka Jubbada Hoose ayaa Taliyaha ku soo dhaweeyay dugsiga tababarka oo kormeer guud uu ku saameeyay.

Jeneral Sulub Axmed Firin Talyaha Ciidamadda Booliiska Soomaaliyeed ayaa ciidanka kula dardaarmay inay u diyaar garoobaan la dagaallanka al-shabaab oo la qorsheynayo in wajiga 2aad ee howlgalka laga bilaabayo Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.

Talyaha Ciidamadda Booliiska Soomaaliyeed ayaa sheegay in dagaalka al-shabaab ka sokow uu ciidanka Booliska waajibaad adag ka saaran yahay sugida amaanka dalka wuxuuna kula dardaarmay iney dedaalkooda sii xoojiyaan.

 

Related posts

Xildhibaan ku dhaw Madaxweyne Farmaajo oo ku lug leh Shabakad sameysa dollar been abuur oo…

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo oo casho sharaf u sameeyey Golaha Amniga Qaranka (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Dal Yurub kuyaalla oo 34-kun Dollar siinaya qofkii ku laabanaya dalkiisa

Cabdi Cade
Taboola Ads ---