Safaarada Maraykanka oo ka hadashay kulamadii ay la qaateen Deni, Axmed Madoobe & Xasan Shiikh

Safaaradda Mareykanka ee Somalia ayaa war ka soo saartay kulamadii uu danjire Donald Yamamoto la yeeshay madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntland, iyo kii maanta ee Xasan Shiikh.

War kooban oo ay soo saartay safaaradda Mareykanka ayaa lagu sheegay in danjire Yamamoto uu Axmed Madoobe iyo Saciid Deni kala hadlay sidii loo dhameystiri lahaa heshiiskii Dhuusamareeb 3, ayna qeybtooda uga qeyb qaadan lahaayeen sidii loo heli lahaa doorasho la isku raacsan yahay

“Danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya waxaa shalay uu la kulmay Axmed Madoobe iyo Saciid Deni. Waxay ku kalsoon tahay in labadan siyaasi ay Villa Somalia kala shaqeyn doonaan dhameystirka iyo fulinta heshiiskii Dhuusamareeb 3. Soomaaliya waxay u baahan tahay heshiis iyo tanaasul. Waxaa la joogaa xilligii ay hogaamiyayaasha muujin lahaayeen xikmad,” ayaa lagu yiri qoraalka safaaradda.

Waxaa sidoo kale qoraalka lagu sheegay in danjire Yamamoto uu maanta kulan la yeeshay Madaxweynihii hore ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud

“Waa talaabo wanaagsan in qeybaha siyaasadda Soomaaliya ay raadinayaan tanaasul si waqtigiisa loogu hirgeliyo heshiiska Dhuusamareeb 3,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Mareykanka iyo wakiilada kale ee beesha caalamka u jooga Somaia ayaa la aaminsan yahay yahay iney  Axmed Madoobe iyo Saciid deni culeys ku saareen safarkooda Muqdisho, si heshiis buuxa looga gaaro arrimaha doorashada Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -