Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Villa Somalia oo war ka soo saartay shirka u furmaya Madaxda DF, Jubbaland & Puntland

Agaasimaha warfaafinta Madaxtooyadda Soomaaliya mudane Cabdi Nuur Maxamed Axmed ayaa sheegay in caawa si rasmi ah uu u furmayo kulan ay yeelanayaan madaxweynayaasha dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Wada-hadallada u dhaxeeya madaxda dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland iyo DFS ayaa ku saabsan arrimaha doorashooyinka, waxaana xalay madaxdu ku yeelatay Villa Soomaaliya kulan casho sharaf iyo soo dhaweyn ah oo hordhac u ahaa kulanka caawa.

“Madaxweyne JFS ayaa caawa si rasmi ah u furaya wadahadallada arrimaha doorashooyinka ee u dhaxeeya DFS iyo Dowlad Goboleedyada Puntland & Jubaland, Xalay ayay madaxdu ku yeelatay Villa Soomaaliya kulan casho sharaf iyo soo dhaweyn ah oo horudhac u ah kan caawa loo ballansan yahay”ayuu yiri agaasime Cabdinuur.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa si weyn u sugaya natiijada shirkan oo ah mid muhiim u ah dalka,waxaana laga filayaa in heshiis rasmi ah laga gaaro arrimaha doorashooyinkam kamana qeyb galayaan shirkan  madaxda kale ee dowlad goboleedyadii ka qeyb galay shirkii Dhuusamareeb 3

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Cabasho ka dhan ah Wasaarada Maaliyadda oo loo gudbiyay Gudoonka Labada Aqal (Akhriso Cadeymo)

Cabdi Cade

Cabasho Xoogan oo kasoo yeertay Dhalinyaradii Gobalka Banaadir shaqo abuurka u sameeyay

Caydiid Ali

Musharixiinta ku shirsan Magaalada Muqdisho oo War cusub soo saaray (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---