Cabasho Xoogan oo kasoo yeertay Dhalinyaradii Gobalka Banaadir shaqo abuurka u sameeyay

Kun dhalinyaro ah oo dhowaan Madaxda dowlada Somalia shaaciyeen in loo sameynayo shaqo abuur ayaa ka cabanaya mushahar la’aan soo wajahday bishii ugu horeysay.

Dhalinyaradan oo la shaqeeya Maamulada degmooyinka Muqdisho ayaa shaqadooda bilaabay bishii Novembar, waxayna sheegayaan in mushaharkii bishaas aan wali la siinin, iyadoo bishii xigtay ee Disembar ay hadda sii mareyso 16.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa horey u shaaciyey in kunka dhalinyarada ah ee shaqo abuurka loo sameeyey qofkiiba la siin doono bil kasta $150 dollar.

“Madaxda Maamulka gobolka banaadir oo hor boodayo Gudoomiye Taabit Cabdi Maxamed waxay noo sameeyeen Akoono banki, waxayna noo sheegeen in qof walba mushaharkiisa loogu soo dirayo Akonkiisa bil walba balse nasiib daro bil ayaa dhamaatay bishii xigtay ayaa 11 sii mareysa welina waxba ma heyno” ayuu yiri mid ka mid ah dhalinyarada shaqo abuurka loo sameeyey oo allbanaadir.com la hadlay.

Mashruuca kunka dhalinyarada ah shaqo abuurka loogu sameeyey ayaa waxaa maalgelinaya Midowga Yurub isagoo socon doona muddo lix bilood ah (Novembar 2017 illaa Abriil 2018)

Dhalinyaradan ayaa ka codsaday raisul Wasaaraha iyo madaxda dowlada iney arintooda soo fara geliyaan, loona dedejiyo mushaharka yare ee loo qoray iyagoo xusay in qaarkood ay ku shaqeeyaan duruufo aad u adag waxayna codsigaas ku darayn in aan lagu halaynin Gudoomiyaha gobalka Banaadir mudane Taabit Cabdi Maxamed iyo gudoomiyayaasha Degmooyinka.

Maamulka gobolka Banaadir oo u xilsaaran dhalinyaradan shaqo abuurka loo sameeyey ayaan illaa hadda ka hadlin sababta bishii hore mushaharkooda loo siin waayey dhalinyaradan iyo waxyaabaha keenay inuu dib u dhaco.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
London-Uk
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -