Allbanaadir.com
NEWS

Cabasho ka dhan ah Wasaarada Maaliyadda oo loo gudbiyay Gudoonka Labada Aqal (Akhriso Cadeymo)

Ganacsatada Gobolka Banaadir ayaa cabasho ka dhan ah Wasaarada Maaliyadda Soomaaliya oo ku aadan canshuur kordhinta saa’idka ah waxa ay u gudbiyeen Gudoonka labada Aqal ee Baarkamaanka Federaalka.

Qoraalka ay Ganacsatada gobolka Banaadir u direen gudoonka labada Aqal ayey ku sheegeen in aysan marnaba diidaneyn in ay canshuur bixiyaan, balse diidan yihiin canshuur kordhinta xad dhaafka ah ee lagu soo rogay Ganacsatada gobolka  Banaadir oo kaliya.

Ganacsatada gobolka Banaadir ayaa meesha ka saaray Warka ay faafisay Wasaarada Maaliyadda ee ku aadan in kaliya 5 % lagu kordhiyay canshuurta, waxa ayna sheegeen Ganacsatada in lagu kordhiyay wax ka badan 30 %.

”Ganacsatada gobolka Banaadir marna kuma jiro hagar canshuureed, waxaana hubnaa in wadan uusan socon karin Canshuur la’aan, run maahan hadalka Wasaarada Maaliydda ka sheegto Warbaahinta ee ah in 5% lagu kordhiyay canshuurta” Ayaa lagu yiri Qoraalka Ganacsatada Gobolka Banaadir.

Ganacsatada Gobolka Banaadir ayaa sidoo kale sheegay in lacago dheeraad ah Shirkada Al Beyrak ee maamusha Dekadda ay ka qaado ganacsatada wax kasoo degsada Dekadda Muqdisho.

Ugu Dambeyn Ganacsatada Gobolka Banaadir ayaa qoraalka ay u direen Gudoonka Labada aqal waxa ay kusoo bandhigeen Xaqiiqda Canshuurta xad dhaafla ah ee lagu soo rogay Ganacsatada gobolka Banaadir.

Halkan ka Akhriso Qoraalka Ganacsaada Gobolka u direen Gudoonka labada Aqal

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wararkii ugu dambeeyey Madaafiic dhimasho sababay oo lagu weeraray Magaalada Marko

Caydiid Ali

Wiil uu dhalay Shiikh Xassan Daahir Aweys oo la sheegay in duqeyn lagu dilay

Caydiid Ali

Dowladda oo war kasoo saartay howlgal lagu laayay saraaki AS ah iyo weerarkii saakay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---