Sii-hayaha RW oo kulan xasaasi ah la qaatay taliyeyaasha Ciidanka Xoogga dalka (Sawirro)

Sii hayaha xilka Ra’iisul wasaaraha Somalia Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa maanta kulan la qaatay madaxda Wasaaradda Gaashaandhigga iyo hoggaanada Ciidamada Xoogga dalka

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Wasaaradda difaaca Soomaaliya, Xasan Cali Maxamed (Ammar-dambe) Taliyaha Ciidanka xoogga Dalka, Jen. Odowaa Yuusuf Raage iyo qaar ka mid ah saraakiisha hoggaanka qeybaha dalka.

Waxaa looga hadlay dardar-gelinta iyo dhamaystirka dib u habeynta ciidamada qalabka sida oo muddooyinkan dib u dhis uu ku socday.

Wasiirka iyo taliyeyaasha ciidamada ayaa ku simaha RW warbixin ka siiyey howlgaladii ugu dambeeyey ee ciidamada xoogga dalka ka sameeyeen gobolada dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -