Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

DEG DEG: Madaxtooyada Somalia oo shaacisay xiliga la saxiixayo heshiiska doorashada

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa 4ta Maarso 2021 martigelinaya munaasabad lagu dhammeystirayo dadaalkii iyo wadahadalladii la xiriiray hirgelinta doorashooyinka dalka ee u dhexeeyey Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir.

Kulankan oo hal maalin soconaya wuxuu ku qabsoomayaa magaalada Muqdisho, waxaana looga gol leeyahay in lagu soo gabagabeeyo talooyinkii Guddiga Farsamada Doorashada ee   ka soo baxay shirkii Baydhabo 15-16 Febaraayo 2021, kaasoo xal looga gaaray tabashooyinkii ka soo laabtay heshiiskii doorashooyinka ee 17kii Sebteembar 2020.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ahmiyad wayn siinaysaa hirgelinta doorasho hufan oo jawi nabdoon ku qabsoonta” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Villa Somalia.

Maamulada Puntland iyo Jubbaland oo horey shuruudo adag ugu xiray iney madaxdoodu yimaadaan Muqdisho ayaanay kala cadeyn iney ka soo qeyb galayaan saxiixa heshiiskan iyo in kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Shirkada Somtel oo soo kordhisay adeeg cusub oo farxad galiyay shacabka Soomaaliyeed

Cabdi Cade

Guddoomiye Muungaab oo xalay si rasmi ah xilka ula wareegay (Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxweynaha Xasan oo la tusay istaraatiyadda iyo qaabka loo qabanayo Ceelbuur iyo Galhareeri (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---