Aabe ka sheekeeyay Sababta keentay in uu dilo Wiil dhalinyaro ah uu dhalay !!

Aabe kunool deegaan hoostaga magaalada Jowhar ee caasimada maamul goboleedka Hirshabelle ayaa habeen hore dilay wiil 20-sano jir ah uu dhalay kadib markii isaga oo nool wiilkaasi ku tuuray Wabiga kuna dhax geeriyooday.

Maxamed Dhayoow Aadan oo ah aabaha dilay wiilkiisa oo ku xiran saldhiga booliiska magaalada Jowhar ayaa ka hadlay sababta keentay in wiilkiisa oo nool ku dhax rido wabiga kuna dhinto halkaasi.

Waxa uu sheegay aabahan in wiilkiisa uu ahaa cabtooy xoolo badan ka xaday isaga iyo sidoo kale dad kale daris la ah, waxa uuna xusay in uu maaro u waayay wiilkiisa sidoo kale naftiisa uga cabsaday sidaasna u dilay.

” Waxaa la isoo xiray wiil ani dhalay oon dilay, wiilkayga waxa uu iga xaday sagaal sacaad oo irmaan ah nafteedana qiil qiil ayuu galiyay, waxa uu ahaa cabtoy xashiishka caba oo muslimka xooliihiisa laayay ane kuweyga qashay sidaasna ayaana u dilay” ayuu yiri Aabe Maxamed Dhaayow.

Aabahan ayaa sidoo kale sheegay in marar badan uu bixiyay xoolo uu xaday wiilkiisa uuna maaro uga waayay xatooyada, waxa uuna xusay in dhoor mar la xiray balse uu isbadali waayay halkiisana kasii waday muqaadaraadka iyo xatooyada.

Dilka aabahan u geestay wiilkan ayaana hadal heyn badan ka abuuray magaalada jowhar ee caasimada Hirshabelle, waxaana kiiska aabahan wiilkiisa dilay hada gacanta ku haya booliiska Hirshabelle .

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -