Cabdi Xaashi & Qoor-qoor oo ka qeyb galay Munaasabad weyn oo ka dhacday Dhuusamareeb

Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa furay Kalfadhiga 2-aad ee Gollaha Wakiillada Dowladda Galmudug.

Xafladda furitaanka kalfadhiga 2-aad ee Baarlamaanka Galmudug oo ka dhacday xarunta Shiirkole, waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha Aqalka sare Mudane Cabdi Xaashi, Gudoomiyaha Baarlamaanka Dr. Maxamed Nuur Gacal, Xildhibaano, Wasiiro, Bulsha rayidka, siyaasiyiin iyo marti sharaf kale.

Khudbado kala duwan ayaa laga jeediyey munaasabadda furitaanka kalfadhiga 2-aad ee Baarlamaanka Galmudug.

Guddoomiyaha Golaha Barlamaanka Dr Maxamed Nuur ayaa sharxay waxyaabihii uqabsoomay kalfadhigii 1-aad iyo waxyaabaha u qorshaysan kalfidhigaan.

Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye oo si rasmi ah u furay Kal-fadhiga 2-aad ee Baarlamaanka Galmudug, waxa uu jeediyey khubad dhaxalgal ah oo dhinacyo badan khuseysa sida; amniga, dib-u-heshiisiinta, garsoorka, dhaqaalaha, maamul wanaagga iyo arrimaha siyaasadda.

Guddoomiyaha Aqalka sare Mudane Cabdi Xaashi oo isna halkaas ka hadlay ayaa ku bogaadiyey baarlamanka galmudug waxyaabaha u qabsoomay mudadii yareyd ee ay jireen, isagoo ku booriyey iney dedaalkooda halkaas ka sii wadaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -