Qaramada Midoobay oo digniin ka bixisay musiibo ku soo wajahan Bariga Afrika

Hay`adda Cuntada Adduunka (WFP) ayaa sheegtay in gaajo iyo macluul daran ay saameyn ba`an ku yeelatay malaayiin qaxooti ah oo ku nool bariga Afrika, kuwaasoo ku tiirsan gargaar cunto.

Waxay sheegtay in saameynta dhaqaale ee xanuunka safmarka ah ee Covid-19 ay tahay inuu yareeyay deeqdii laga heli jiray deeq-bixiyeyaasha.

WFP ayaa hore 30% u yareysay cuntada amaba lacagihii ay siin jirtay in ka badan 2.7 milyan oo qaxooti ku nool dalalka Itoobiya, Uganda, Kenya, Suudaanta Koofureed iyo Jabuuti.

“Qaxootiga ayaa gaar ahaan u nugul faafitaanka Covid-19 sababtoo ah xeryo ciriiri ah ayay ku nool yihiin iyagoo aan heysan hoy fiican, isla markaana aan heli karin adeegyo caafimaad, biyo nadiif ah iyo fayadhowr,” ayuu yiri Agaasimaha WFP ee Bariga Afrika Michael Dunford.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -