Ninkii Muslimiinta ku laayay New Zealand oo lagu riday Xukun aan horey dalkaasi uga dhicin

Maxakamad ku taalla New Zealand ayaa xukun adag oo xabsi ah ku riday ninkii Muslimiinta badan sanadkii hore ku laayay labo Masaajid kuyaala dalkaasi, waxaana weerarkan uu noqday mid dad badan argagax ku abuuray.

Ninkan ayaa Masaajida kuyaala New Zealand ku dilay 51-qof oo muslimiin ah kuwaa oo salaad Jimco ku dukanayay , waxaana ninkan muuqaal toos ah ku baahiyay baraha bulshada isaga oo weerarka geesanaya.

Maxkamada ayaana ninkan ku xukuntay  xabsi daa’in oo aan sideyn sharafeed lahayn, xukunkan ayaana noqonaya kii ugu horeeyay oo nuuciisa ah oo lagu rido qof kunool gudaha dalka New Zealand.

Ninkan oo ka soo jeeda dalkaasi Australia ayaa horay u qirtay dambiga ah inuu dilay 51 qof, isagoo sidoo kalana isku dayay inuu weerarkiisa saddexaad ku dilo 40 qof oo kale oo muslimiin ah .

Xaakimka xukunka ku riday ninkan gacan ku dhiiglaha ahaa ayaa ficilladiisa ku tilmaamay kuwa bini’aadanimada ka baxsan, Waxa uuna intaasi ku daray inusan muujin naxariis yar xitaa intii uu weerarka geesanayay.

Weerarkan oo ka dhacay dalka New Zealand  15-kii bishii Maarso ee sannadkii hore ayaa noqday mid si weyn loo cambaareeyay, waxaana weerarkan uu dalka New Zealand ka abuuray isku soo dhawaansho qowmiyado badan oo dalkaasi kunool.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -